Midowga dhagoolyaasha soomaaliyeed oo furay dugsi cusub oo ay wax kubartaan
Waa Qaar ka mid ah Ardayda iyo Macalinka oo Fasalka ku jira
Qaar ka mid ah Ardayda, Macalimiinta iyo Gudoomiyaha oo taagan barxada dugsiga
Gudoomiyaha Midowga Dhagoolayaasha oo Hor Fadhiya Arday Fasal Ku jirta
Macalinkii oo cashar bixinayo

Midowga dhagoolyaasha soomaaliyeed oo furay dugsi cusub

Qaar ka mid ah Ardayda Iskoolka

 

Midowga dhagoolayaasha Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa manta markii ugu horeysay ka furay Muqdisho iskuul ay wax ku baranayaan caruurta dhagoolayaasha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho iyo daafaheeda.

Munaasabada furitaanka dugsiga oo ka dhacday xarunta dugsiga
Al-hilaal ayaa waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha midowga dhagoolayaasha Soomaaliyeed Abubakar sheeikh C/dulle Cali oo si weyn uga faalooday sida ay ugu suuro gashay furitaanka iskuulkan cusub isagoo sheegay in in marar badan ay soo gaareen xafiiska midowga dhagoolayaasha Soomaaliyeed codsiyo looga dalbanayo inay ka furan magaalada Muqdisho dugsi ay wax ku bartaan caruurta dhagoolayaasha Soomaaliyeed, oo ay bilihii ugu dambeysay la soo deristay waxbarasho la’aan, kadib markii ay albaabada isugu dhufteen ciidamada Itoobiyaanka dugsigii hore ee ay wax ku baran jireen dhagoolayaasha Soomaaliyeed oo ku yiilay isgoyska Cali Kamiin.

 

 

“Dugsigan waxaan maanta ku bilownay ardadii ugu horeysay oo dhagoolayaal ah waxayna tiradooda gaareysaa 20 arday oo isugu jirta wiilal iyo gabdho, sababata aan iskuulkan u furnayna waxay tahay baahi weyn oo ay u qabaan dhagoolayaasha Soomaaliyeed inay wax bartaan” ayuu yiri guddoomiyaha midowga dhagoolayaasha Soomaaliyeed Abubakar oo intaasi ku daray in ay kaalmo weydiisanayaan dhamaan jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dibeddaha, waxaana haatan caqabadaha ugu waaweyn ee na heysta ay tahay inaan awood u laheyn bixinta tasiilaadka lagu socodsiinayo howlaha iskuulkan.

 

 

“Anaga ma jirto cid na taakuleysa hay’ad walaa ganacsato, walaa dad kale, balse waxaan mar kasta isku daynaa inaan wax la qeybsano dadka dhegaha leh ee Soomaaliyeed, oo aynaan dareemin dhalinta dhagoolayaasha Soomaaliyeed wax barasho la’aan iyo horumar la’aan” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha midowga dhagoolayaasha Soomaaliyeed.

 

sidoo kale, waxaa munaasabadaasi ka hadlay qaar ka mid ah ardayda dhagoolayaasha Soomaaliyeed oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin furitaanka iskuul u gaar ah dhagoolayaasha, iyagoo xusay in bilihii ugu dambeysay ay la soo deristay waxbarasho la’aan, kadib markii ay sheegeenin albaabada la isugu dhuftay iskuulkoodii ay wax ka baran jireen oo ku yiilay isgoyska Cali kamiin ee (Sound and Silent).

 

Hadaba midowga dhagoolayasha Soomaaliyeed waxa ay ka codsanayaan bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool dalalka dibeddaha iyo gudaha dalka Somalia inay taageero u fidiyaan caruurtaas waxbarashodooda si loo helo macalimiinta qibrad sare u leh waxbarashada dhagoolayaasha maadaama hada aysan awoodin midowga inuu bixiyo qarashka macalimiin qibrad sare leh iyo qarashaadka kale ee ku baxaya socodsiinta howlaha iskuulka.

Qaar ka mid ah Ardayda oo Sabuurada Imtixaan looga qaadayo



 

Waxaad kala Xariiri Kartaa midowga dhagoolayaasha soomaaliyeed:
email: info@somalideaf.org
Tell/Fax: 652439/15563555


Mr. Abubakar Sh. Abdulle Ali
President,
Somali National Association of the Deaf  (SONAD)

Ururka Dhagoolayasha Soomaaliyeed (Somali National Association of the Deaf )


Copyright © SONAD 2007
Designed & Hosted by
Afro Technology Services