MIDOWGA DHAGOOLAYAASHA SOOMAALIYEED


Midawga dhagoolada soomaliyeed waa dalad ay ku midoobaan dhamaan dhagoolada soomaaliyeed unkida midawga dhagoolada soomaliyeed waxaa iska kashaday aqoonyahano dhagoolayaal ah oo ku sugan gudaha dalka kadib markii ay darseen xaalada aqoon daro kalsooni daro iyo go,doon ee haysato dhagoolada soomaaliyeed midawgaaan waxaa la aasaasay 1/8/2006.

Midawga dhagoolada soomaaliyeed waxa uu leeyahay qorsho dhow iyo mid fog qorshaha dhaw waxaa ka mid ah sidii waxbarasho loogu heli lahaa da,yarta iyo da,waynta dhagoolada soomaaliyeed qorshaha fog ee la hiigsanayo waa in dhagooluhu ka baxo xaaalda uu ku sugan yahay helana xirfad uu ku shaqaysto si uu isu anfaco inta kalena wax u taro.

Xarunta midawga dhagoolada soomaaliyeed waa caasimada muqdhisho waxaana la rajaynayaa inuu laamo ku yeesho gobolada dalka ,midawga dhagoolada soomaaliyeed waxaa xubin ka noqon karo shakhsi kasta oo soomaali ah isla nafsad ahaantaana la' xubinta dareenka maqalka.

 

 

 

 
   

Copyright ©2007
Designed & Hosted by AfroTech

Bogga Hore           Midowga           Xubnaha              Nala soo xiriir