QORSHAHA
WABQABADKA EE SODU
Somali National Association of the
Deaf (SONAD)Midawga
Dhagoolayaahsa Soomaaliyeed waxa uu kulmiyaa dhagoolayaasha Soomaaliyeed
iyadoo ujeedadiisu tahay horrumarinta arimaha Dhagoolayaasha.
Midawga Dhagoolayaasha Soomaaliyeed
waxa uu leeeyahay qorsho waxqabad ah oo la darsay kuwaas oo isugu
jiro qorsho dhaw iyo mid fog waxaa ka mid ah qorshaha (SONAD.
* Ururinta Dhagoolayaasha Soomaaliyeed.
* Muujinta kaalinta waxqabad ee Dhagoolayaasha
* Helida adeegyada ay xaqa u leeyihiin dhagoolayaasha
* Ka qaybqaadashada isbadalada dalka ka dhacayo
* Abuurida xirfado ay yeeshaan dhagoolayaasha
* Horumarinta kaalinta waxbarasho ee dhagoolayaasha
* Kobcinta garaadka dhagoolayaasha soomaaliyeed
* Burburinta xayndaabka takoorka dhagoolayaasha dareemayaan
* Soobandhigida kaydadka hibo ee ay leeyihiin dhagoolayaasha soomaaliyeed
* Ku baahinta siyaasada waxqabad ee (SONAD) gobalada iyo degmooyinka
dalka
* Wacyi galinta dadwaynaha sababaha keena howlgaabidda dareenka
maqalka
* U doodida xuquuqda dadka dareenkooda maqalka ku waayeen daawo
la siiyay amaba dhaawac loo geystay awgii
* U doodida xuquuqda shaqo ee dhagoolayaasha haddii howsha uu qabanayo
aqoon iyo qibrad u leeyahay si meesha looga saaro qodobada taakada
ku ah dhagoolayaasha aqoonta leh kaas oo oranayo (waa in qofkii
lixdiisa lixaad qabo).
|