YAA
U MAQAN DHAGOOLAYAASHA SOOMAALIYEED
Maanta oo ay Taariikhdu ku beegantahay 09/12/2006,
Midowga Dhagoolayaasha Soomaaliyeed waxaa uu soo bandhigaayaa Sababaha
keenay aas aaska urur noocaan ah, kaasoo Dhamaan Bulsho weeynta
Soomaaliyeed qiriyso inuu yahay kii ugu horeeyay ee u Shaqeeya danaha
dadka La’ dareenka Maqalka.
Sidoo kale wuxuu Midowga Dhagoolayaasha Soomaaliyeed ka jawaabaya
waxa uu yahay Midowgaan?, waxa uu Higsanayo?, cida taageerto iyo
eed uu u soo jeedinayo qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Ugu horeyn Midowga Dhagoolayaasha Soomaaliyeed waxaa la aasaasay
01/08/2006, Xaruntiisa waxay tahay Magaalada Muqdisho, iyadoo aan
rajeeyneeyno inaan ku baahno Degmooyinka iyo waliba Gobolada Dalka.
Dhidib u taagida Midowga Dhagoolayaasha
waxa uu yimid ka dib markii Aqoonyahano Dhagoolayaal Soomaali ah
ay darseen xaalada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin Dhagoolayaasha
Soomaaliyeed, waxey garteen inay lagama maarmaan tahay in la helo
dalad mideeysa Dhagoolayaasha Soomaaliyeed si loo amba qaado kaalinta
Dhagooluhu ku leeyahay Bulshada Dhexdeeda.
Ujeedooyinka Midowga Dhagoolayaasha
Soomaaliyeed waxaa ka mid ah:-
1- Ururinta iyo Tira koobka Dhagoolayaasha
Soomaaliyeed.
2- Abuurista goobo waxbarasho oo u gaar ah Dhagoolayaasha.
3- Helida xirfado Shaqo oo ay Dhagoolayaasha naftooda ku Maareeyaan.
4- Bur-burinta xeeyndaabka takoor oo eey Dhagoolayaasha ku sugan
yihiin.
5- Soo saarida Dhagoole xambaarsan risaato wanaagsan.
6- Ka qeyb qaadashada dib u dhiska Dalka.
Midowga Dhagoolayaasha Soomaaliyeed
oo ah mid Wadani ah ma jirto cid gacan ku siisa howl maaluleedkiisa
marka laga reebo Midowga Maxkamadaha oo noo qalabeeyay Xafiiska
aan ku Shaqeeyno, iyo Aqoonsi aan ka helnay Maxkamadaha.
Sida aad la socotaan Dhagoolayaasha
Soomaaliyeed waxaa heysta duruuf adag oo aysan heysan iyo waliba
iyagoo inta badan aysan laheyn xirfado Shaqo oo ay noloshooda ka
maareeyaan.
Laga soo bilaabo guriga uu Dhagooluhu
ku noolyahay illaa Bulshada ku hareereeysan inta badan waxey u arkaan
in Dhagooluhu yahay Qof Caqliga La’, waxba qabsan Karin, iyadoo
caruurta kale wax la baro halka Dhagooluhu laga yaabo inuu Jahliga
ku qaan gaaro amba god la galo.
Hadaba Midowga Dhagoolayaasha waxa
uu tabanayaa in Qeybaha kala duwan ee Bulshada aysan ka helin kaalintii
kaga aadaneyd Hormarinta Dhagoolayaasha Soomaaliyeed.
Bahda Waxbarashada waxey qabteen
Howl weyn, iyagoo ku guuleeystay inay dalka ka Haqabtiraan aqoonta,
Balse waxey ka Gaabiyeen dhinaca kale in Dhagoolayaasha loo helo
adeeg Waxbarasho.
Asalku wuxuu ahaa in dalladaha Dugsiyada
badan ee faa’ido doonka ah eey Hoos tagaan inay ku daraan
Hal Dugsi oo Dhagoolayaasha wax lagu Baro.
Dhanka kale Shirkadaha Ganacsiga
waxaan u soo Jeedineeynaa inay gacan ka geeystaan daryeelka dadka
Dhagaha La’.
Waxaan mahadcelin iyo hambalyo u jeedinaynaa shirkada isgaariinta
ee Hormuud kaalinta ay kaga jirto dib u dhiska iyo horumarinta umada
soomaaliyeed maaha in aan ku faaninayno kaalmo gaar ah ay nasiisay
balse dadka oo dhan waa lasocdaan sida ay hormuud umada soomaaliyeed
ugu gargaarto islmarkaana uga qaybqaadato horumarinta waxaan leenahay
shirkadaha waawayn ee soomaaliyeed hadaad doonaysaan horumar iyo
faa iido waxay ku jirtaa inaad umada walaalihiin ah aad hormarisaan
ee inaad gaari mark2 ah iyo filo dhisataan kaliye haku fakarina
waxaan cambaareeynayaa maamulayaasha shirkadaha waawayn ee ismahadiyay
islamarkaana si xun ula dhaqmo bulshada dhibaataysan
Ugu danbeeyn Waxaa xusid mudan in
Dhagooluhu naftiisa iyo Bulshadaba wax tari karo, waxaa taas Daliil
u ah in Midowga Dhagoolayaasha Soomaaliyeed ay xubno ka yihiin Maamulayaal
Goobo Waxbarasho, Xisaabiyayaal Shirkadeed, iyo Aqoonyahano iyo
waliba Xirfado kaleba.
BAAQ.
Midowga Dhagoolayaasha Soomaaliyeeed waxaa uu ugu baaqayaa Qeybaha
kala duwan ee Bulshada inay gacan ka Geystaan sidii Dhagoolayaasha
Soomaaliyeed u heli lahaayeen adeega ay u baahan yihiin, isla mar
ahaantaana loo heli lahaa Dhagoole leh Aqoon iyo Xirfad sare oo
uu ku Maareeyo Noloshiisa uguna adeego Bulshadiisa.
Abuubakar Sh.Cabdulle
Cali
Gudoomiyaha Midowga Dhagoolayaash Soomaaliyeed.
Mobile:
002521-582552/002521/5563555
Email:sodu5@hotmail.com/sodu5@yahoo.com
E-mail: president@sodudeaf.org
|